Animation

DEG DEG+Dhageyso: Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo faarujiyay deegaan muhiim ah oo….

no responses
Thursday August 3, 2017 - 6:10 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidmada Uganda ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Somalia ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan saldhig military oo muhiim ah oo ku yaalla degaanka Leego.

Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ciidanka la filayo inay saldhiggaasi ka baxaan saacaddaha soo socda, waxaana dhici karta in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay qabsadaan xeradaasi.

Laba sano ka hor, maleeshiyada al-Shabaab ayaa xaradaasi weeraray, halkaasina ku dilay ciidamo Burundi u dhashay oo xeradaasi hore u daganaa.

Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali “Baraf” oo ah wasiiru-dowlaha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay ciidamada ka baxay leego.

Halkaan ka dhageyso wareysiga