Somali News

DEG DEG:Dagaal xoogan oo ka socda jiidaha hore & Khasaaraha ka dhashay oo Dhimasho Iyo Dhaawacba leh

Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan tuulooyin  hoostaga Degmada Cadale ee Gobolkaas ayaa waxaa ay sheegayaan in sasakay waaberigii hore halkaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhexeeya laba Maleeshiyo beeleed.

Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu si gaar ah uga socdo tuulo lagu magacaabo Bur-dheere oo hoostagta Degmada Cadale,waxaana dagaalka la isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay u sheegeen in dagaalkan uu yahay mid xoogan isla markaana waxaa dhawaqa hubka laga maqlayaa deegaano ka fog halkaas.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo wamayaa in uu ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalka u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed ayaa waxa uu taagan yahay muddo 2 sano ah, waxaana horey u jiray dadaalo lagu doonayo in lagu dhexgalo labada dhinac,hayeeshee laguma guuleysan.

Related posts

VIDEO: Waxaa la aasay Iyadoo aan weli Gacanta lagu soo dhigin Askarigii Xaq darrada ku dilay

admin

Kenya oo shaacisay Goorta dib loo Furaayo Jaamacadda Gaarisa

admin

Dhagayso+Sawiro:- Caabudwaaq oo Roobsatay & Shacabka Caabdudwaaq oo Warbaahinta la hadlay

admin