Animation

DEG DEG+Akhriso: Maxkamadda gobolka banaadir oo soo saartay warqad lagu soo xiraayo masuul lagu helay musuq maasuq

no responses
Sunday April 30, 2017 - 11:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warqad ka soo baxday maxkamadda gobolka banaadir ayaa waxaa lagu amray in lasoo qabto lana horkeeno maxkamadda Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta ee shaqada laga joojiyay C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo xasan samatar cali

Warqadda waxaa lagu amray ciidanka ammaanka in ay soo qabtaan kadibna ay maxkamadda horkeenan agaasime bahlaawi iyo xasan samatar cali oo fal musuq lagu soo eedeeyay.

Warqadda waxaa amar lagu siiyay Taliyaha Qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir in uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo qabto labadan masuul deetana uu xeer ilaalinta horkeeno.

9-kii bishan ayay aheyd markii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow oo shaqo ka fariisin ku sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Yuusuf Bahlaawi, kaddib markii uu ku eedeeyay maamul xumo iyo musuq maasuq.

Waa markii ugu horetsay oo maxkamdd ay amarto in lasoo xiro masuul dowladda ka tirsan oo fal musuq maasuq lagu eedeeyay.

Halkaan hoose ka aqriso warqadda lagu soo xiraayo bahlaawi iyo xasan samatar cali