Breaking News Somali News

DEG DEG: Xildhibaano loo oglaaday in ay La kulmaan C/raxmaan Cabdi Shakuur Maxayse kala soo kulmeen?

Xildhibaano ka tirsan Guddiga loo xilsaaray Kiiska Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa Xarunta nabad sugidda Qaranka ku booqday waxayna ka Warbixiyeen Xaaladda Maxbuuska.

Xildhibaan C/xakiin Macalim Axmed oo ka mid ah xubnaha booqday ayaa sheegay in ay soo arkayn Maxbuuska Islamarkaana ay xaaladiisa wanaagsan tahay, waxa ay sidoo kale sheegeen in uu ku jiro gacan amaan ah iyo meel wanaagsan oo aan la gilin Xabsi balse ay ka maqan tahay Xuriyadda oo kaliya.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray C/raxmaan Cabdi Shakuur uu yahay mid yar dhaqtarna la geeyay hadane aysan jirin wax culees oo dhinaca caafimaadka ah.

Dhinaca Guddiga ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u mareyso wadahadalo arintaan ku saabsan oo ay la leeyihiin Madaxda Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha sidii uu xuriyadiisa u heli lahaa Siyaasigaan.

Related posts

Xog: suldaan luga dheere oo ay haysato laba daran mid dooro Iyo walwal arinkaasi ku aadan oo soo wajahay.

admin

Daawo Jaaliyada Beesha sade ee wadanka UK oo canbareysay duqaynta ciidamada kenya ay u gaysten shacabka reer Ceel Cade.

admin

SAWIRRO: Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Qaar kamid ah Senatorada oo Kulan la qaatay Danjire Keating

admin