Animation

DEG DEG: Waa Kuma Shaqsiga ku Guuleystay Xildhibaanka Ugu Horeeyo Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug Xili Doorasho ay ka socoto Cadaado???

no responses
Thursday November 10, 2016 - 2:09 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado waxaa Goordhaw ka Bilowday Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Ergooyin gaaraya 51 Ergo ayaa Dooranaya Xildhibaanada Aqalka Hoose qeybta Galmudug.

Ergooyinka ayaa doortay Kursiga Ugu Horeeyo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaana Kursigaas ku guuleystay Xildhibaan Saciid Nuur Gariish.

fb_img_1478786113429

Xildhibaan Gariish wuxuu ka Guuleystay Musharax kale oo Tartan adag la galay waxaana uu Hada Noqday Xildhibaanka Ugu Horeeyo Aqalka Hoose ee Galmudug.

Ergooyinka ayaa sidoo kale u Codeyn doona Kursiga Labaad ee Aqalka Hoose Galmudug.

mahad-salaad-iyo-subxaanyo-768x432

Ergooyinka 51 xubnood ee matalaya beel walba ayaa u codeynaya labo Musharax oo u taagan hal kursi oo ah kan Beesha Cayr, waxaana ku tartamaya Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad iyo Jen. C/qaadir Cali Diiriye oo loo yaqaano Jen. Subxaanyo.