Animation

DEG DEG: Xildhibaanadii Ugu Dambeeyay Aqalka Hoose ee Jubbaland oo Maanta la doortay+Magacyadooda

no responses
Tuesday November 15, 2016 - 10:08 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Maanta lagu soo gabagabeeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta ku meelgaarka maamulka Jubbaland,doorashooyinka Xildhibaannada Aqalka hoose ee u matalaya Baarlamanka Soomaaliya.

Baarlamanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u codeeyay Shanta xubnood ee ugu dambeeyay mudanayaasha Aqalka hoose ee maamulkaasi u matali doona Dowladda dhexe.

Ergada Maanta waxa ay u codeeyen ilaa lix Xildhibaan oo noqonaya Kuwii ugu Dambeeyay ee ka mid Noqonaya Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Cusub

Halkaan Hoose ka Aqriso Magacyada Xildhibaanada Maanta la doortay

1- Abdifatah Mohamed Ali

2-  Sahro Haji Hassan

3- Saqar Ibrahim Yusuf

4- Mohamed Noor Iftin

5- Abdikadir Mohamed Osman

Goordhaw waxaan idin soo gudbin doona Liiska Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Jubbaland oo Dhameystiran