Animation

DEG DEG: Xildhibaanada baarlamaanka hirshabeelle oo kalsoonida kala noqday madaxweyne cosoble

no responses
Monday August 14, 2017 - 2:42 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault
Spread the love

Wararka hadda ka imaanaya magaalada jowhar ayaa waxa ay sheegayan in xildhibaanada baarlamaanka maamulka hirshabelle ay kulan xasaasi ah ku yeesheen xaruntooda magaalada jowhar.

Kulankaan oo ahaay mid aan caadi aheyn ayaa waxaa kalsooni loogu qaaday madaxweynaha maamulka hirshabeelle cali c/llahi cosoble.

Xildhibaanada baarlamaanka hirshabeelle ee dhawaan mooshinka kalsooni kala noqoshada ka keenay cosoble ayaana maanta codka kalsoonida u diiday cosoble.

Xildhibaanada baarlamaanka hirshabeelle ayaa xilkii ka xayuubiyay madaxweynaha maamulkaasi cali c/llahi cosoble.

Codeyn ay xildhibaanada baarlamaanka u qaadeen ayaa waxaa aqbashay in kalsoonida lagala noqdo 68 xildhibaan waxaana diiday 6 xildhibaan waxaa ka aamusay 2 xildhibaan.

Saxafiyiinta ayaa loo diiday in ay goob joog ka ahaadaan kulanaan kalsoonida lagala noqonaayay madaxweyne cosoble waxaana ilo wareedyo ku sugan xarunta baarlamaanka ay inoo xaqiijiyeen in madaxweynaha codka kalsoonida lagala noqday.

La soco wixii kusoo kordhaa insha allah

Facebook Comments