Animation

DEG DEG: Xildhibaanad katirsan BF Somalia oo ku Geeriyootay dalka dibadiisa….

no responses
Thursday September 8, 2016 - 9:30 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

War degdeg ah oo Goordhaw soo dhacay ayaa sheegaya Allaha u naxariistee in saakay Isbitaal kuyaala dalka Hindiya ku geeriyootay Xildhibaanad katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Xildhibaanad Faadumo Nuur.

Warka ayaa sheegaya in Xildhibaanada u geeriyootay xanuun soo wajahay, iyadoona dhawaan dalka Hindiya Isbitaal kuyaala loo geeyay in lagu daweeyo, waxaana geerida Xildhibaanada noo xaqiijiyay xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanadan katirsaneed Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee saakay ku geeriyootay dalka Hindiya.