Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Xiisad kulul oo u dhaxeysa galmudug iyo puntland oo laga soo sheegaayo galkacyo kadib markii……

Magaalada galkacyo ee xarunta gobolka mudug waxaa laga soo sheegaya in ay ka taagantahay xiisad u dhaxeysa maamulada puntland iyo galmudug ee magaalada isla maamula.

Xiisadda ayaa waxa ay ka dhalatay ka gadaal markii maamulka puntland uu ka dhawaajiyay in dayactir xoogan lagu sameyn doono garoonka diyaaraddaha ee galkacyo balse galmudug ay ka hortimid.

waxana hashiiska lagu dhisayo garoonka galkacyo ay puntland la gashay dawlada imaaraadla carabta oo kol hore la wareegtay maamulka dakada magaalada boosaaso.

Galmudug waxa ay sheegeysa in puntland ay dooneyso in garoonka ay iyada la wareegto maadama hada labada dhinac ay ku muransanyihiin lahaanshaha garoonkaan.

Inkastoo garoonka uu mamaulkiisa haatan uu si toos ah gacanta  ugu hayo  maamulka puntland hadana waxaa arinta ugu sii dartay markii ay puntland bilow bur burinta dhul ku dhow garoonka diyaaradaha gaalkacyo oo ay leeyihiin dad shacab ah oo kasoo jeeda dhinaca galmudug.

Garoonka waxaa isku heysta labada maamul waxaana garoonka uu horay u ahaan jiray mid ay isticmaali jireen milatarigii soomalia dowladdii kacaanka.

Xiisadaan waxaa laga yaabaa in ay cirka isku sii shareerto maadama puntland ay ku adkeysaneyso dhismaha garoonkaan uu muranka xoogan ka taaganyahay.

Related posts

Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax-dhigay dhismaha Jidka Degmada Dharkiinley.(Sawirro)

admin

TOP NEWS: Dhageyso” Guryaha Muqdisho oo Dowlada la wareegeysa Milkiilayaasha Hadii aysan ….

admin

SAWIRO: MD Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Wajiga labaad ee Shirka kasocda Muqdisho..

admin