Animation

DEG DEG: Xiisad kulul oo ka dhalatay odayaal iyo ganacsato xabsiga la dhigay oo ka taagan dagmada baardheere

no responses
Friday June 2, 2017 - 12:06 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas maanta ay ka taagan tahay xiisad xoogan.

Xiisadan ka taagan magaaladdaas ayaa lasoo sheegayaa iney timid kadib markii xabsiga loo taxaabay Ganacsato iyo Odayaal dhaqameedyo.

Wararka ayaa tilmaamaya in  Maamulka Baardheere ay xabsiga dhigeen lix Ruux oo isugu jira Ganacsato iyo Odayaal dhaqameedyo, kuwaasi oo Degaan Duleed ka ah Baardheere kula soo kulmay Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab.

Elahada Dadkan la xiray qaarkood  ayaa sheegay in Maamulka Baardheere uu min kun doolar ($1,000) ku xukumay raggan in ay bixiyaan balse ay ka diideen xukunkaas.

Dadka halkaasi lagu xiray ayaa waxaa ku jira Ganacsade caan ah kaasi oo Hay’adda FAO mashruuc dhanka beeraha uga waday Magaalada Baardheere, sida eheladaasi ay sheegeen.

Xiisada ku aadan xariga Dadkan loo geystay ayaa ka taagan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Waxaa jira ciidamo qaab qabiil isku aruursanaya oo gudaha magaaladda lagu arkayo halka sidoo kale ay maamulka isku khilaafeen arinta xariga ganacsatada iyo odayaasha.