Animation

DEG DEG: Xiisad ka taagan Magaalada Galkacyo Iyo Rasaas Xoogan oo laga Maqlaayo Xaafada…..

no responses
Saturday September 24, 2016 - 7:36 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo e Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayan in Rasaas xoogan laga Maqlaayo Xaafada Baraxleey ee Magaalada Galkacyo.

Rasaasta ayaa la sheegaya in ay ka dhaceyso qeybo ka mid ah Xaafada Baraxleey iyadoona aan si dhab ah loo ogeyn cida ay u dhaxeyso Rasaasta Balse Xaafada Baraxley waxaa ku sugan Maleeshiyo kala duwan oo Hubeysan.

Sida warar aan ku helnay Rasaastaasi waxaa ku geeriyootay inta la Xaqiijiyay 2 Ruux Halka Dhaawaca uu jiro.

Xiisadaan ayaa la sheegaya in ay salka ku heyso Arinta la Xiriirta Baabuurta Xoolaha sida ee ka yimaada Koonfurta Soomaliya kuwaasi oo u gudbaaya Dhinaca Puntland waxaana jirta in Khilaaf xoogan uu ka dhashay Fasaxida Maamulka Puntland ay Fasaxday Kaliya Baaburta Xoolaha sida oo loo Fasaxay in Boosaaso ay u gudbi karaan Halka kuwa kale ee Xamuulka ahna lagu celinaayo Xadka u dhaxeya Puntland iyo Galmudug.