Animation

DEG DEG: Xiisad aan Caadi aheyn oo Cawada ka taagan Dagmada Guriceel ee G.Galgaduud Kadib Markii Askari ka tirsan Ahlusunna uu si Bareer u dilay…….

no responses
Tuesday November 1, 2016 - 5:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu Cawada ka heleyno Dagmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayan in Xiisad Kacsanaan ah ay ka jirto Gudaha Magaalada.

Xiisadan ayaa timid ka gadaal Markii Askari ka tirsan maleeshiyada Kooxda Ahlusunna uu si Bareer ah u dilay Qof Shacab ah.

Dilka marxuumka dhintay ayaa waxa uu yimid kadib Markii Muran  uu dhexmaray Isaga iyo Askariga Ahlusuna ka tirsan waxaana Murankaasi uu dhaliyay in Askariga uu Rasaas ku furo qofka Shacabka ah sidaasina uu ku dhintay.

Geerida Marxuumka la dilay ayaa waxaa ka dhalatay Xiisad Kulul oo u dhaxeysa Maamulka Ahlusunna iyo Ehelada Marxuumka la dilay .

Ciidamada Ahlusunna aya gacanta ku dhigay Askarigii dilka geestay waxaana Dadka deegaanka iyo Ehelada Marxuumka ay sheegen in aysan Meedka ka qaadi doonin Goobtii lagu dilay Marxuumka Ilaa laga keeno Ninkii Dilkaan geestay ee ka tirsan Askarta Ahlusunna.

Maamulka Dagmada Guriceel ee Ahlusunna weli kama aysan Hadlin dilkaan uu geestay Askari Maamulkaasi ka tirsan iyo Xiisada ka dhalatay Dilka Marxuumka Balse waxaa jira in Odayaasha iyo Waxgaradka Dagmada ay ku Howlanyihiin Daminta Xiisadaan iyo in ay kala dhexgalaan maamulka iyo Ehalada Marxuumka sida Bareerka ah loo dilay.