Animation

DEG DEG: Dhageyso Xabad Joojintii Galkacyo oo Fashilantay iyo Dagaal Culus oo Hada ka Qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo

no responses
Monday October 10, 2016 - 4:38 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa Waxa ay sheegayan in Galabta Gabal dhicii uu dagaal culus ka qarxay Galbeedka Magaalada Galkacyo.

Dagaalka ayaa Marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya Waxaana La maqlaaya Rasaas xoogan oo ka socota Galbeedka Magaalada oo Labada Ciidan ay isku Horfadhiyaan.

Dagaalka sida la sheegay wuxuu ku Bilowday ka gadaal Markii Ciidan ka tirsan Puntland ay dhaq dhaqaas sameeyeen oo ay kusoo siqeen Goobaha ay ku suganyihiin Ciidanka Galmudug Dagaalkana uu sidaasu ku qarxay.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in Daryanka Rasaas xoogan ay Maqlayaan iyagoona ka baqdin qaba in dagaalka uu waxyeelo ka soo gaadho.

Dagaalka wuxuu socda Mudo ku dhaw Halsaac waxaana La ogeyn qasaaraha ka dhashay iyo Dagaalka Cida asal ahaan Bilowday.

Waxgaradka Labada Maamul ayaa lagu waday in maanta ay kala qaadan Labada Ciidan Balse taasi Fashil ayaa ku yimid waxaana dib u Bilowday Dagaalkii Labada Maleeshiyo u dhaxeeyay kuwaasi oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Puntland sida La sheegay waxa ay ka dhaga Adeegtay in ay joojiso Dhismaha Maxjarka ay Duleedka Galkacyo ka wado waxaana Horay dagaalka uu uga bilowday Dhismahaan Maxjarka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Codka

La soco Wixii ku soo Kordha Insha allah