Animation

DEG DEG:- Xaalada Dagmada Cabudwaaq oo alow sahal ah Ciidamo ka socda Galmudug oo tagay iyo Ciidamo ka socda Ahlusunna oo ku soo wajahan..

28 responses
Friday November 4, 2016 - 3:01 under Somali News by admin
mqdefault

Xaalada Magaalada Cabudwaaq oo shalay ay dagaalo ka dhaceen mantana dagnayd ayaa caawa  aad u kacsan.

Xiisada ka jirta Magaalada Cabudwaaq Caawa wa ay ka duwan tahay midii u dhaxaysay qabiiladii shalay magaaladaasi ku dagaalamay balse wa mid u dhaxaysa  Galmudug oo Magaalada Ciidamo soo galisay iyo Ahlusunna oo Magaalada Ciidamo u soo dirtay.

Ciidamada Ahlusunna ee u soo dhaqaaqay dhanka Magaalada Cabudwaaq ayaa waxaa hogaaminaya Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Gobolada dhexe  Sh Xasan Gaboobe iyo saraakil kale oo ka tirsan Ahlusunna.

Sido kale waxaa  Xiisada  aad u sii kiciyay  Qabaailo dagan Magaalada Cabudwaaq oo ku amray Ciidamada Galmudug in ay Magaalada ka baxaan ama ay la dagaalami doonan.

Waqtigaan oo ah Gabaldhac  ayaa magaalada waxaa laga dareemaya in dhamaan dadkeedi ay kala xaroodeen  waxana muqata saan saan coladeed oo aad u balaran.

Magaalada waxaa ka socda Abaabulo kala duwan iyo qabaailo is hubaynaya  kuwaas oo doonaya in ay  si kala duwan ula dagaalaman Ciidamada Cusub ee Magalada so galay…