Animation

DEG DEG: Wiil Soomaali ah oo Wasiir looga magacaabay Canada

no responses
Tuesday January 10, 2017 - 6:06 under Breaking News by Kaafi
mqdefault

Ra’isul wasaaraha dalka Canada  Justin Trudeau ayaa isbadal ku sameeyay golihiisa wasiirada waxaana uu badalay wasaaradihiisa arimaha dibada iyo Socdaalka.

Ahmed Hussen, oo ah Wiil Soomaali ah isla markaana ahaa xildhibaan kasoo galay deegaanka York-South-Weston ee galbeedka Toronto ayaa loo magacaabayaa inuu badalo wasiirka socdaalka John McCallum.

Magacaabida XUSEEN ayaa layaab ku noqotay dadka dalkaas isagoo noqday Soomaaligii ugu horeeyay ee Canada xilkaas ka gaara.

Wiilkan oo ah Qareen ayaa Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho kasoo tagay isagoo kaligiis ah sanadkii 1996, da’yarkaas ayaana dadaal badan kadib ka mid noqday barlamaanka Canada.

Hussen ayaa badalaya wasiirka socdaalka John McCallum kaas oo guud ahaan siyaasada dalka Canada isaga baxaya.

Wasiirka ganacsiga Chrystia Freeland ayaa dhanka kale badalaya Stephane Dion kaas oo aadaya wasaarada arimaha dibada.

Ra’isul wasaare Justin Trudeau ayaa rajeynaya inuu ku dhawaaqo isbadalkan golaha wasiirada xiliga danbe oo maanta ah.