Animation

DEG DEG: Weerar is miidaamin ah oo goordhaw ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee xamar

no responses
Friday August 11, 2017 - 11:33 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax xoogan oo ismiidaamin ah oo ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee xamar.

Qaraxa waxaa fuliyay ruux naftii hure ah oo waxyaabaha qarxa iska soo buuxiyay wuxuuna isku dhex qarxiyay gudaha xabsiga dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay meel masjid ah oo xabsiga gudahiisa ah kaasi oo ay ku tukadaan shaqaalaha iyo maxaabiista xabsiga ku xiran.

Ninka isa soo miidaamiyay ee xabsiga isku dhex qarxiyay ayaa waxaa uu doonaayay in uu isku qarxiyay taliyaha ciidamada asluubta soomaliyeed Sareeye Gaas Max’ed Xuseen  Cusmaan.

Qaraxa waxaa ku dhintay ninkii is miidaamiya ahaay iyo mid kamid ah ciidamada ilaalada taliyaha ciidanka asluubta soomaliyeed.

Taliyaha oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay in uu bad qabo balse la doonaayay in qaraxa isaga lagu qaarajiyo.

Ninka is qarxiyay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaay ciidamada xabsiga dhexe ilaalada ka ah balse warkaasi weli lama xaqiijin.

La soco warar dheeraad ah insha allah