Animation

DEG DEG: Waxbadan ka Ogow Kulan Xasaasi ah oo Hada Xarunta Xalane uga Furmay Danjire Keating iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay Jawaari??

no responses
Monday November 28, 2016 - 9:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno Xarunta Ciidamada Amisom ee Xalane ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw Halkaasi uu ka furmay Kulanka Xasaasi ah oo lagu Lafa guraayo Arimaha doorashooyinka iyo Caqabadaha Hortaagan.

Kulankan ayaa waxaa ka qayb galaya Guddoomiha Baarlamanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Aaden (jawaari) iyo Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Michael keating,iyadoo gorfeynaya sidii loo dhammaystiri lahaa inta harsan doorashooyinka Aqallada sare iyo hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inkasto Kulanka uu yahay Mid Albaabada u xiranyihiin ayaa hadana waxaa la sheegaya in Qodobada ugu Muhiimsan ay tahay Arimaha doorashooyinka oo Waqtigooda ka dib dhacay Dhowr jeer.

Danjire Keating ayaa Jawaari ugu baaqay in Sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro Xildhibaanada haray wararkaloo madax banaan ayaa sheegaya in Jawaari Markale la qorsheynaayo in Guddoonka Baarlamaanka uu noqodo oo doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka isku soo sharaxo.

Hadii Jawaari uu Markale isku sharaxo Xilka Guddoonka Baarlamaanka waxa uu dhabar jab xoogan ku Noqonaya Qorshaha ay dajiyeen Cumar C/rashiid iyo Shariif xasan oo doonayay in Xasan Shiikh ay Jalaafo xoogan u dhigeen si dhulka uu ugu hoobto.

Kulanka ayaa la filaya in Xasan Shiikh uu kasoo qeyb galo Waxaana la ogeyn waqtiga uu socon doono Kulankaan.

Isha ku haay K24 si aad u hesho Xog dheeraad ah