Animation

DEG DEG: Waxbadan ka Ogow Kulamo Gaar gaar ah oo Raiusl Wasaare Sharmaarke uu ka wado Magaalada Galkacyo iyo Waxyaabaha looga Hadlaayo???

one response
Monday November 14, 2016 - 12:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya Cumar C/Rashiid ayaa waxa la shergaya in Galkacyo uu kulamo gaar gaar ah kula qaadanayo Gudiyada ka kooban 18 Xubnood ee Galmudug iyo Puntland ay u Magacowday Dhaqna geleinta Heshiiskii Labada Madaxweyne ay ku Galeen Magaalada Galkacyo.

Kulamadaan Gaar gaarka ah ee Cumar C/Rashiid uu la qadaanayo Labada Gudi ayaa waxaa inta badan looga hadlaya sidii Gudiyada ay uga shaqeyn lahaayeen Nabadeynta Galkacyo iyo Meel Marinta heshiikii lagu gaaray Magaalada Galkacyo.

Heshiisa Galkacyo ayaa waxaa qeyb ka ahaa in la Sameeyo Gudi ka kooban 18 Xubnood oo dhaqan galin doona Heshiiska Galkacyo waxaana Gudigaan min 9 Xubnood usoo kala Magacabay Labada Madaxweyne Iyadoona Guddigaan ay ka Koobanyihiin Saraakiil iyo masuuliyiin Labada Maamul ka tirsan.

Xaalada Magaalada Galkacyo ayaa Hada dagan Inkasto Weli Magaalada aysan kusoo Laaban Qoysaskii Horay uga barakacay Dagaaladii ka socday Gudaha Magaalada Galkacyo.

Lama Oga in Heshiiskaan uu noqon doono mid u dhaqan gala Sidii loo galay Maadama Horay ay u bur bureen Dhowr Heshiis oo laga gaaray Dagaalka Galkacyo.