Animation

DEG DEG: Wasiirka amniga gudaha oo goordhaw qarax lagula eegtay duleedka dagmada…..

no responses
Tuesday June 6, 2017 - 2:56 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno gobolka shabeellada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in qarax xoogan uu ka dhacay duleedka dagmada balcad.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala eegtay wasiir ka tirsan maamul goboleedka hirshabeelle.

Wasiirka amniga gudaha maamulka hirshabeelle Maxamed Ibraahim Cali gaari kolonyo uu la socday oo ku socdaalaayay duleedka balcad ayaa qaraxa lala eegtay.

Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa inkastoo wasiirka uu qaraxa ka bad baaday.

Hal askari oo ilaalada wasiirka ayaa qaraxa ku dhintay sida wararka lagu helaayo waxaana jira dhaawaca askar kale.

Wasiirka iyo wafdi la socday oo dowladda ka tirsan ayaa kusii jeeday magaalada jowhar ee xarunta KMG maamulka hirshabeelle.