Animation

DEG DEG: Wasiir Horay uga tirsnaay Dowladii Shiikh shariif oo Maanta loo diiday in uu ka qeyb galo Doorashada ka socoto Magaalada Cadaado+Magaciisa iyo Cida u diiday

no responses
Friday December 2, 2016 - 11:24 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyni Magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayan in Goordhaw ay halkaasi ka bilaaban doonto doorashada aqlka hoose ee kursiga Beesha Heesow, Saleemaan.

Doorashada Kursigaan waxaa ku tartamaayay Musharax Shiikh C/qaadir Cali Cumar oo horay usoo noqday Wasiirkii arimaha Gudaha Dowladii shiikh shariif iyo Saabir Nuur Shuuriye oo la sheegay in ay wadato Madaxtooyada Muqdisho.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Dowladdii Sheekh Shariif Sheekh Axmed Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay in Asaga iyo Ergadiida loo diiday in ay galaan Doorashada ka socota Magaalada Cadaado.

C/qaadir Cali Cumar ayaa ku Eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka dambeeyo islamarkaana uusan dooneyn in C/qaadir Cali Cumar uu ku soo baxo Aqalka Hoose sida uu yiri.

“Muddo 30 maalmood ayay wadeen sidii ay u bedeli lahaayeen ergooyinkii saxda ahaa, waxaa jirtay 34 ergo oo ahaa kuwo sax ah, waxaa lagu bedelay ergooyin kale oo been abuur ah, hadii meesha wax doorasho ah  oolin oo ku shubasho ay jirto, waa in aan Bulshada Been loosheegin “ayuu yiri C/qaadir Cali Cumar.

Sheekh C/qaadir Cali Cumar ayaa sheegay inuu jiro go’aan Madaxtooyada ka soo baxay oo ay fulineyso Galmudug, kaasoo ah in aan isaga ku soo bixin kursiga Xildhibaannimo, sidaas darteed uu yahay qorshe aniga  la iiga  hor-joogsanayo, maadaama aan taageero ka heysto dadka deegaanka”ayuu ku sii daray Hadal kiisa.