DEG DEG: Wasaaradda Amniga oo sheegtay in ay dheemish ahaayeen madaafiicdii muqdisho laga maqlay

0

Wasaaradda Amniga dowladda soomalia ayaa sheegtay in wixii caawa dhan dhacaayay ee salaaddii taraawiixda laga tukan waayay Magaallada Muqdisho ay ahaayeen dheemish dadka lagu argagax galinaayay.

Wasiirka amniga maxamad abuukar Isloow wuxuu sheegay in dhawaqyada culus ee caawa dagmooyinka gobolka banaadir laga maqlay ay ahaayeen dheemish aan cidna waxba ku noqon wuxuuna ku tilmaamay arbushaad iyo carqaladeyn shacabka lagu argagax galinaayo.

Baco lagu shubay baaruudda qaraxda ayaa magaallada loo qeybiyay siduu wasiirku sheegay.

Shacabka muqdisho ayaa aad uga naxay dhawaqa culus ee madaafiicda u eg waxaana dad badan ay soo xasuusteen xiliyada ramadaanka iyo falalka amni darrada ah ee muqdisho ka dhici jiray xiliyadii hore.