Animation

DEG DEG: Wariye ka Tirsanaay Idaacada Shabeele oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho+Magaciisa

no responses
Tuesday September 27, 2016 - 6:07 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

45

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa ay Dagmada Yaaqshiid ku dileen Wariye ka tirsan Shaqaalaha Warbaahinta Shabelle ee Magaalada Muqdisho.

Labo Ruux oo ku hubeysanaa bistooloda ayaa toogasho ku Dilay AUN Wariye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka mid ahaa Wardooneyaasha Shabakada Warbaahinta Shabelle xili uu marayay Xaafada Jiiro-garoob ee Degmada Yaaqshiid.

Wariyaha ayaa ku wajahnaa Guri uu ka degan yahay Degmada Yaaqshiid Balse Kooxo Hubeysan ayaa wadada u galay Bastoolad la dhacay.

Ilaa Hada lama Oga Kooxda Dilka Wariyaha ka dambeysay waxaana Maalmihii ugu dmabeeyay Wariye Cabdi Casiis Maxamad Cali Xaaji uu ku Maqnaay Fasax uu Eheleadiisa la qaadanaayay sida uu sheegay C/Maalik Yuusuf Maxamad Milkiilaha Idaacada Shabeele.