Animation

DEG DEG: Wariye C/maalik Muuse Coldoon oo lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada…

no responses
Wednesday February 15, 2017 - 1:06 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka naga soo gaaraya magaalada hargeysa ee maamul goboleedka soomaliland ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada hargeysa lagu xidhay wariye cabdi maalik muuse coldoon oo kamid ah saxafiyiinta u shaqeeya bulshada soomaliyeed.

Wariye coldoon oo maalmahan ku sugnaay magaalada muqdisho ayaa waxa uu taageero weyn u muujiyay madaxweynaha jamhuuriyada soomaliya mudane maxamad c/llahi farmaajo iyadoona sida muuqata soomaliland ay ficilkaas ka carootay.

Ma ahan dhaqan ku cusub maamulka soomaliland in la iska xidho dadka muqdisho ka taga amaba ka hadla dalka soomaliya wax ku saabsan waxaana taasi ay soomaliland u aragtaa dimoqraadiyada ay ku faanto in ay qaadatay.

Saraakiil ka tirsan waaxda socdaalka ee soomaliland ayaa noo xaqiijiyay in coldoon lagu xiray garoonka hargeysa isagoo xamar ka tagay.

Wariye coldoon weli gacanta ciidamada ammaanka hargeysa ee maamulka soomaliland ayuu ku jiraa waxaana iska soo daba dhacaya baaqyada loo jeedinaayo maamulka soomaliland oo ku aadan in xoriyaddiisa ay siiyaan wariyaha rug cadaaga ah ee c/maalik muuse coldoon.