Animation

DEG DEG: Musharax Axmad ducaalle geelle xaaf iyo axmad shariif oo wareega labaad ee doorashada isugu soo haray (LIVE Tabinta)

no responses
Wednesday May 3, 2017 - 10:25 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa la soo gaba gabeeyay tirinta codadka wareega koowaad ee doorashada madaxweynaha galmudug oo ka socota magaalada cadaado.

Wareega koowaad ee doorashada waxaa ku hertamay ilaa seddex musharax oo kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf,Axmed Shariif Cali Hilowle,Prof. C/qaadir Shirwac.’

Guud ahaan waxaa codeysay ilaa 89 xildhibaan waxaana halaabay hal cod sida ay sheegeen guddiga doorashada.

Hadaba wareega koowaad natiijada tirinta codadka waxa ay noqotay sidatan:-

Musharax axmad ducaalle geelle xaaf wuxuu helay 57 cod

Musharax axmad shariif cali hilowle wuxuu helay 24 cod.

Musharax c/qaadir shirwac wuxuu helay 7 cod.

Sidaas darteed wareega labaad ee doorashada waxaa isugu soo haray labada musharax ee kala ah axmad ducaale geelle xaaf iyo axmad shariif cali hilowle.

Codeynta wareega labaad ayaana hadda bilaabatay la soco natiijada codeynta.