Animation

Deg-deg: Wafdigii Wasiirka Gaashaandhigga oo ee Booqashada ku tagay Gobolka Gedo oo Muqdisho dib ugu soo laabtay.

no responses
Wednesday November 18, 2015 - 9:01 under Somali News by admin
mqdefault
Spread the love

Wafdigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale oo lasocday o Booqasho maalin qaadatay kutagay Gobolka Gedo ayaa Saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa booqasho ku tagay Degmooyinka Doolow iyo Baledxaawo oo maalmihii alsoo dhaafay ay ka taagneyd muran ku aadan Xuduuda ay wadaagaan labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

waxaa lagu wadaa in waxyaabihii ay lasoo kulmeen ay dib ugu warceliyaan hay’adaha dowliga ee dalka kajira, iyadoo ay indhahooda kusoo arkeen xadgudub ay kenya ku sameysay xuduudii ay lawadaagtay soomaaliya.

Nagala Soo Xiriir : ireportk24@gmail.com

M, Shaafici Cabdinuur

Muqdisho, Soomaaliya

Facebook Comments