Animation

DEG DEG: Wafdi uu Horkacaayo Guddoomiye Jawaari oo Goordhaw Gaaray Magaalada……

no responses
Thursday September 22, 2016 - 8:12 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa Goordhaw Waxa ay Gaareen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Jawaari iyo Wafdigiisa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Baydhabo iyadoona Ammaanka Magaalada aad loo Adkeeyay.

Ujeedka safarka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku tagay Magaalada Beydhabo ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii uu u dar dar gelin lahaa Howlaha Doorashada labada Aqal.

Guddoomiyaha ayaa Inta uu Baydhabo Joogo waxa uu kulamo la qaadan Doona Masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed