Animation

DEG DEG: Wafdi Sare oo Amisom iyo Dowlada Federaalka ka socda oo Goordhaw gaaray Magaalda Cadaado Maxay tahay Ujeedkooda??+Sawirro

no responses
Tuesday October 11, 2016 - 12:22 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado Maanta waxaa Gaaray wafdi Balaaran oo ka socda Dowlada Federaalka iyo saraakiil ka tirsan Howlgalka Amisom.

Wafdigaan waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Magalaada Cadaado iyadoona loo galbiyay Qasriga Madaxtooyada Galmudug ee Magaalada Cadaado oo Hada kulan uu uga socdo Masuuliyiinta Galmudug iyo wafdigaan Maanta gaaray Magaala.

Ujeedka ay Wafdigaan u tageen Cadaado ayaa la sheegay in ay tahay Kormeerida Habsami u socodka Hanaanka doorashada iyo sida Galmudug ay ugu diyaar garoobeyso doorashooyinka Baarlamaanka.

Kulanka ka socda Xarunta Madaxtooyada waxaa qeyb ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyed General Xamud iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka galmudug oo Goordhaw kusoo Biirtay Kulankaan Xasaasiga ah.

Masuuliyiinta Galmudug weli Saxaafada lama aysan hadlin sidoo kale Xubnahaan Maanta gaaray Cadaado ayaa Iyagana laga dhursugaaya in warbaahinta ay uga waramaan socdaalkooda iyo waxa uu Salka ku haayo.

La soco warar dheraad ah iyo Codad Insha allah

Halkaan Hoose ka Daawo Sawirrada 

01-1 02 03 04