Animation

Deg-deg: Waa Sidee Saaka Xaalada Magaalada Gaalkacyo Xili Xiisad adag ay jirto…

no responses
Thursday September 29, 2016 - 7:08 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa saakay xaalad Deganaansho ah laga dareemayaa Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo Habeen ka hor ay ka dhacday Duqeyn.

Wariyaha Badweyn.com ayaa soo sheegaya in xaalada goobtii shalay ay Duqeynta ka dhacday saakay ay tahay mid degan, sidoo kalena Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ay halkaasi soo gaareen si ay u qiimeeyaan xaalada.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo shalay si deg deg ah ugu laabtay Magaalada Cadaado ayaa xalay kulamo la qaatay Golaha Wasiirada Galmudug iyo Waxgarad, waxaana uu kala hadlay Duqeyntii ka dhacday Gaalkacyo.

Shalay ayay aheyd markii Magaalada Gaalkacyo uu ka dhacay Banaanbax Balaaran, kaas oo looga soo horjeeday weerarkii dhinaca cirka ahaa, ee lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.