Animation

DEG DEG: Waa kuma Musharaxa ugu horeeya ee kusoo Baxay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Muqdisho ka socoto??+Sawirro

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 10:55 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta si Rasmi ah uga Bilaabatay Doorashada Kuraasta Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga ah.

Doorashadaan oo ay maanta ku tartanayeen laba xubnood,ayaa kursiga ugu horeeyo ku soo baxay Mahad C/lla Cawad,kadib markii uu helay 50-dod,halka ninkii la tartamaayey uu isna helay hal cod.

Guddoomiyaha Guddigga doorashooyinka dadban Avocato Cumar Dhageey oo ku sugnaa xarunta Gaadiidka Boliiska oo ay ka dhaceysay doorashadaasi ayaa ku dhawaaqay natiijada kama dambeysta ah.

Xildhibaan Mahad Cabadala Cawad oo ka hadlay goobtii lagu doortay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in loo doorto Kursigii u horeeyay ee Xildhibaanada waqooyi ee doorashadooda ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Doorashada weli wey socotaa Kursiga Labaad ayey codeyntiisa Hada socotaa

1-8 3-7