Somali News Top News

DEG DEG TOP NEWS: Xasan Shiikh iyo Wakiilka Midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti ee xoojinta AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya+Sawiro

Muqdisho, 14 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kulan kula qaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Jose Madeira.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayey fulinta baaqii ka soo baxay shirkii dhowaan ay dalka Jamhuuriyadda Djibouti ku yeesheen madaxda waddamada ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya.

Waxyaabihi shirkii Djibouti ka soo baxay ayaa waxaa ka mid ahaa xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka ayaa isku afgartey sameynta guddi si degdeg ah u hawlgeli doona oo qiimeyn iyo fulin ku sameyn doona waxyaabaha aasaasiga u ah ka guul gaarista hawlgallada AMISOM iyo Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa kulankan sidoo kale looga hadley sidii degaannada cadowga looga xorreeyo loogu fidin lahaa adeegyada muhiimka ee ay u baahan yihiin.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Difaaca iyo Amniga, S/Guuto Cabdiraxmaan Sheekh Ciise, La Taliyaha Madaxweynaha Arrimaha Siyaasadda, Dr Awees Xaaji Yuusuf , qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

————–DHAMMAAD——–
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

16aee6ad-8e03-4a01-9c2c-2607f210fad2 18a45a44-8f72-46c0-b10f-c12c2d006730 321ac889-9809-4669-8482-201a332a1791 aeb05c5e-6417-4c8b-889e-8bc7faba0f4e b3a4dd7b-9913-4354-b5ab-24b27ce69dad ce3436f1-4af9-4f35-bfc0-5cc711bb2ae7

Related posts

XOG: Guuleed iyo Shariif Xassan oo isbaheystey, halka Ahmed Maddobe iyo Gaasna…………….

admin

Dhagayso:- Xagge Marayaa Qabsomida Shirkii Maamul U samaynta Galgaduud & Koonfurta Mudug

admin

Dibadbaxyo ka dhacay dalka Nigeria oo ay dhigeen dadka Shiicada

gurey