DEG DEG: Toogasho goordhaw ka dhacday Magaalada Muqdisho iyo Warar Kala duwan oo kasoo baxaya

0

Wararka Naga soo gaaraya Dagmada Hodan ayaa waxa ay sheegayan in goordhaw dableey hubeysan ay ku dileen qeybo kamid ah dagmadaasi Nabad doon caan ah.

Nabad doonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nabaddoon Axmed Cabdulle Jimcaale  waxaana uu kamid yahay waxgaradka gobolka hiiraan.

Dableeyda dilka geesatay oo bastoolado ku hubeysneyd ayaa goobta ka baxsaday waxaana daqiiqado yar kadib goobta uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada Ammaanka oo baaritaan ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaan loo geestay nabad doon Axmed Cabdulle Jimcaale.