Animation

DEG DEG: Tiro madaafiic ah oo goordhaw lagu garaaacay garooka kubadda cagta ee muqdisho oo….

no responses
Monday June 12, 2017 - 2:33 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Tiro madaafiic ah ayaa waxaa daqiiqado yar ka hor lagu garaacay isbartiibada muqdisho oo fariisin u ah ciidamada amisom.

Ilaa afar madfac ayaa ku dhacday xarunta isbartiibada oo ciidamada amisom ay xarun weyn u tahay waxaana la sheegay in madaafiicda ay gudaha ka dhacday.

Dadka ku nool xaafaddaha ka agdhaw isbartiibada ayaa ka baqdin qaba in madaafiic haboow ah ay guryahooda ugu yimaadaan kuwaasi oo loo wado isbartiibada oo saldhig u ah ciidamada amisom.

Lama oga qasaaraha ka dhashay madaafiicda maadama isbartiibada ay saldhig u tahay amisom suurta galna aysan noqon karin in qasaaraha la ogaado.

Waa markii ugu horeysay oo muqdisho laga maqlo madaafiic tan iyo markii magaalada ay ka bilowdeen howlgalka xasilinta caasimadda.