Taliyihii Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka oo Goordhaw Iska Casilay Xilkii Taliska NISA.
Qoraal ka soo baxay Hey’adda NISA ayaa lagu shaaciyay in in Taliye Xuseen Cismaan Xuseen uu warqadiisa is casilaada u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Agaasimaha Guud ee Hey’adda Sirdoonka & Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen ayaa maanta oo taariikhdu tahay 13/10/2018, sababo asaga u gaar ah owgeed warqadiisa iscasilaada u gudbiyay Madaxwaynaha JFS.
— NISA (@HSNQ_NISA) October 13, 2018