DEG DEG: Tababaraha kooxda Real Madrid Zinedine Zidane oo ku dhawaqaay in uu kooxda ka tagaayo

0

Zinedine Zidane ayaa si layaab leh isaga casilay shaqada Tababarnimo ee Real Madrid, kaddib muddo labo sano iyo bar oo uu xilka Tababarnimo hayay.

Tababaran u dhashay Faransiiska ayaa shir jaraa’id oo aan la fileyn qabtay maanta oo khamiis ah, si uu u xaqiijiyo inuu ka tagayo shaqada Tababarnimo.

Sida uu ku dhawaaqay madaxweynaha kooxda Florentino Perez, ninka reer France isaga ayaa go’aansaday inuu isaga baxo garoonka Santiago Bernabeu maalmo kadib markii uu kooxda u qaaday koobkii1 3-aad ee Champions League.

“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka maamul ahaan aad baan ugu mahadinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirka jaraa’id ee maanta.

“Balse waa inaan badalnaa” ayuu yiri Zizou.

Dhanka kale Florentino Perez wuxuu saxaafadda horteeda ka qiray inuusan jecleysan go’aanka uu gaaray Zidane balse ay aheyd go’aankiisii ugu dambeeyay.