Animation

DEG DEG: Siyaasiyiin Caan oo uu ka mid yahay Bootaan Ciise Caalin oo ku soo Baxay Kuraasta Aqalka Hoose ee Galmudug+Sawirro

2 responses
Wednesday November 16, 2016 - 12:44 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug ayaa Dib uga bilaabatay Magaalada Cadaado Iyadoona Xooga Muran kadib doorashada Dib loo amba qaaday.

Ergada Doorashada ayaa u codeeyay Laba Xildhibaan oo Culus waxaana Weli socda Doorashada.

Kuraasta Hada la doortay ee Siyaasiyiinta Caanka ah  Waxaa ay kala yihiin:

1. Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin

2. iyo Xasan Macalin Maxamuud

Xildhibaan Xasan Macalin ayaa helay 48 cod, halka C/qaadir Xuseen Jahweyn uu helay Hal cod, waxaana sidaas uu Xasan Macalin ku noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa helay codad gaaraya 28- cod halka Musharixiintii la tartamayay ay kala heleen, Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) 20- cod, Cabdulle Faarax Xirsi 2 Cod.

Bootaan Ciise Caalin ayaa si lama filaan ah uga badiyay Musharaxii la saadaalinayay Maxamed Cilmi Afrax oo horay Wasiir uga soo noqday Maamulka Galmudug.

Doorashada weli socota Xildhibaano kale ayaa Codeyntooda ay socotaa.

xasa_2 xasa_3 xasa_4 xasa_5 xasa_6 xasa_7 xasa_8 xasa_10 xasa_11 xasa_12 xasa_13 xasa_14 xasa_15 xasa_17