Animation

DEG DEG: Shirkii Nabaddeynta Galkacyo oo Hada lasoo gaba gabeeyay Maxaase ka soo baxayb oo Qodobo ah????

no responses
Saturday November 12, 2016 - 1:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Goordhaw lasoo gaba gabeeyay Shirkii Nabaddeynta Magaalada Galkacyo oo Waxyar ka hor ka Furmay Garoonka Diyaaradaha C/llahi Yuusuf ee Magaalada Galkacyo.

Shirka wuxuu socday Wax kayar 40 Daqiiqo waxaana Looga Hadlay Qodobo Xasaasi ah oo Inta badan xal loogu Raadinaayo Colaada Galkacyo.

Qodobada Shirka looga Hadlay Hoos ka Aqriso:

1:  In la dhaqangaliyo heshiiskii Dubai horey loogu soo gaaray, ee kusaabsanaa xaaladda dagaalka. 

2– In la xakameeyo ciidamada Puntland & Galmudug, lagana shaqeeyo sidii dagaal loo baajin lahaa.

3– In la sameeyo guddi labada dhinac ah.

4– In shirka Kismaayo laga soo saaro 20-ka bishan Ajendaha iyo qaabka wada hadalka Gaalkacyo.

5– In dhamaan dhinacyada oo dhan ay si rasmi u xaqiijiyaan daganaanshaha

Hadaba Shirka Qodobadaasi ayaa Ugu Waaweynaa oo Lagu lafa guray Inkasto waqti Kooban uu shirka Socday.