Animation

DEG DEG: Shirkii Nabada ee Magaalada Galkacyo oo Hada Socda iyo Qodobo Xasaasi ah oo La isku Mari la’yahay

one response
Saturday November 12, 2016 - 12:43 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Waxaa Goordhaw Magaalada Galkacyo ka Furmay Shirka Nabaddeynta  Gaalkacyo  waxaana Shirka Goob jooga ka ah Madaxweynayaasha Puntland, Galmudug, Ra’iisulwasaaraha DFS & Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Odayaal ka socda labada dhinac, Saraakiisha ciidamada iyo marti lagu casumay.

Waxaa Hada socda Hadala ay jeedinayan Madaxda Shirka ka qeyb galeysa waxaana la guda galay in laga hadlo waxyaaba keenay colaada soo laab laabatay ee Galkacyo.

Qodobada shirkaan looga Hadli doono oo k24 ay si Hordhac ah u heshay waxaa kamid ah:

1:- In la sameeyo Xabad joojin Rasmi ah
2:- In Kismaayo labada dhinac shir uga bilaabo 20 Bishaan
3:- Iyo In laga hortago cid walba oo xabad joojinta jabinaysa

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa furay shirka wuxuu ka waramay marxaladdaha Gaalkacyo iyo sida loogu baahan yahay nabad ka dhalata magaalada.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale Hadalka qaatay wuxuuna sheegay in Galmudug ay diyaar u tahay Nabad u raadinta Galkacyo ayna soo dhaweynayan Cid kasto ka qeyb qaadaneysa Nabada Galkacyo.

Sidoo kale Raisul wasaaraha soomaliya ayaa Goobta ka hadlay wuxuuna sheegay in Maanta Kulanka ay isugu yimaadeen Inta badan lagu lafa guri doono Xal u helida Colaada soo laab laabatay ee Magaalada Galkacyo.