Animation

DEG DEG:- Shirkii Madasha Qaranka oo hormar sameeyay iyo qodobo lagu heshiiyay.

no responses
Sunday September 11, 2016 - 4:29 under Breaking News by admin
mqdefault

Wararka naga soo garay  Xarunta Madaxtoyada Qaranka eee Villa Somalia ayaa waxaay tibaxayaan in  shirkii madasha wadatashiga Qaranka Hormar laga sameeyay.

Wararku waxay intaasi ku darayaan  in qodobkii ugu adkaa ee mudada la isku hayay la isku fahmay .

Madaxda Madasha Maalmihi ugu danbeyay waxaay isku hayeen  arinka aqalka Sare  balse xariig jiid siyaasaded oo ku dhawaday in shirkaba uu fashilmo ka dib  Madaxda waxay isla garteen in dib logu labto dastuurka qaranka asagana wax lagu xaliyo.

Sida ay Kismaayo24 News Agency heshay  Aqalka sare waxaa la isla gartay in lagu qaybsado qaab goboleed 18 ki gobol ee Somalia oo min sadex xubnood heli doona .

Heshiiskan iyo isku soo dhawanshahaan ayaa waxaa qayb weyn ka qatay beesha caalamka oo dhinacyada  cadaadis badan saartay.

Sida ku  cad heshiiskan waxaa uu dhulka la galaya Maamulka Galmudug oo asago ah maamulka ugu gobolada yar  waxana ay halkaasi ku wayn doonan  ugu yaraan 2 xubnood oo ay hada haysten.