DEG DEG: Shirkadda DP-World oo Gabi Ahaan laga Mamnuucay Soomalia. ( Akhriso Xeerka)

0

Kadib kulan xasaasi ah oo maanta xildhibaanda baarlamaanka soomalia ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ayaa waxa ay uga doodeen heshiiska dekedda shirkadda DP-World ee Dekedda Berbera iyo dekeddaha kale ee soomalia.

Xildhibaanada ayaa dood dheer kadib isku raacay in gabi ahaanba dalka laga saaro shirkadda DP-World ee dalka Imaaraat-ka carabta lana joojiyo wixii heshiis sharci darro ah oo ay la gashay maamul goboleed-yada.

Cod ayaa loo qaaday xeerka DP-World looga mamnuucaayo soomalia waxaana Xeerka Ansixiyay 168 Xildhibaan waxaa diiday 1 xildhibaan waxaana ka aamusay 1 xildhibaan tirada guud ee kal-fadhiga maanta soo xaadirtay waa 170 xildhibaan.

Guddoonka golaha shacabka wuxuu ugu baaqay xukuumadda in si deg deg ah u fuliso xeerkaan dalkana ka saarto DP-world marka xeerkaan si Rasmi ah u ansixiyo Madaxweyne Farmaajo.

Halkaan hoose ka Akhriso Xeerka Baarlamaanka Soomalia uu dalka uga mamnuucay DP-World.