Animation

DEG DEG: Shacabka oo faarujiyay halka uu ka socda dibad baxa xili farmaajo uu khudbad jeedinaayo maxaa halkaasi ka dhacay+Sawirro

no responses
Sunday June 4, 2017 - 10:07 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka hada naga soo gaara garoonka Kubada cagta ee Banaadir oo ay ka socoto Banaanbax balaaran oo lagu taageerayo 100-ka maalmood ee ugu horeeyay Madaxweyne Farmaajo ayaa la soo sheegayaa Nidaam xumada meesha ka jirta awgeed in dad badan meesha ka tageen oo ay sugi waayeen Khudbada Madaxweynaha.

Waxaa la sheegay in dadka waqti hore oo saaka ay yimaadeen garoonka Koonis, waxaana soo daahay madaxda dalka oo loo qorsheeyay in waqti hore ay dadka la hadlaan, Maadaama ay tahay Bisha Ramadaan dad badan oo u adkeysan waayay Kuleylka Cadceeda ayaa iskaaga tagay Khudbada madaxweynaha oo bilow ah, sidoo kale dad badan ayaa meesha ku suuxay oo ay ku jirto Haweeney Uur leh.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADA QEYBO KA MIDA GAROONKA OO CIDLA AH