Animation

DEG DEG: Senator Abshir Bukhaari oo doorasho adag kadib ku guuleestay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare

no responses
Sunday January 22, 2017 - 10:11 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Abshir Maxamed Maxamuud, ayaa noqday Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, kadib markii Wareegii saddexaad ee Doorashada Aqalka Sare uu ka adkaaday Xildhibaan Dhagdheer oo uu la tartamaayay.

Abshir Bukhaari ayaa helay codad gaaraya 30 cod, halka Xildhibaan Dhagdheer uu helay codad gaaraya 22 cod.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee codeynaayay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa 52 Xildhibaan.

Abshir Bukhaari oo doorashadiisa kadib ka hadlay Madasha, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Xilka maanta ay u doorteen Xildhibaanada Aqalka Sare, wuxuuna sheegay inuu la imaanaayo wax qabad wanaagsan.

Xildhibaan Cabdi Dhuxulow Dhagdheer oo ah Xildhibaankii laga guuleystay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay doorashada maanta dhacday ee Abshir Bukhaari uu ku guuleystay Xilka.