Animation

DEG DEG: Sargaal sare oo ka tirsan madaxtooyada soomalia oo xabsiga la dhigay kadib markii lagu helay in uu….

no responses
Thursday May 11, 2017 - 6:12 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay sargaal lagu magacaabo C/shakuur Mursal Maxamad oo ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada soomaaliya kaas oo loo haysto in Taariikhdu markay ahayd 24/04/2017 uu gaari nooca ciidamadu leeyihiin oo uu darawal ka ahaa ku jiiray Al-baabka hore ee madaxtooyada marxuum Tahliil Jimcaale Hubane dhacadadaas oo sidoo kale sababtay dhaawaca qof dumar ah .

Guddoonka maxkamadda ciidanka ayaa sheegay in ay soo gaartay garsoorka ciidamada qalabka sida cabashada ehelada marxuum Tahliil Hubane sidaasna baaris lagu bilaabay ugu dambayna loo xiray dhacdadaas Sarkaalka kor ku xusan oo ahaa Darawalka Gaariga dhibka gaysta sida uu sheegay guddoomiye Shuute.

Shilkaas waxaa sidoo kale ku dhaawacmay haweeney mana jirto cid ilaa iyo hada si rasmi ah kala xaajootay dhibta dhaawaca ah ee shilka ka soo gaadhay.