Animation

DEG DEG: Sargaal sare oo alshabaab muhiim u ahaay ayaa isku soo dhiibay ciidamada dowladda ee gobolka gedo+Magaciisa

no responses
Tuesday August 29, 2017 - 11:42 under Breaking News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu ka heleyno gobolka gedo ayaa waxa ay sheegayan in ciidamada dowladda uu isku soo dhiibay horjooge ka tirsan kooxda alshabaab.

Sargaalkaan iska dhiibay Gobolka Gedo ayaa Magaciisa lagu sheegay Maxamed Yuusuf Dheel,waxaana uu Maanta iska dhiibay Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sargaalkaan isa soo dhiibay uu alshabaab ugu magacownaa mid kamid ah dagmooyinka gobolka gedo balse weli lama xaqiijin.

Tan iyo markii madaxweyne farmaajo xilka qabtay waxaa gacanta dowladda isku soo dhiibaayay saraakiil iyo dagaalamayaal alshabaab ka tirsan.