Animation

DEG DEG: Sargaal Muhiim ah oo Alshabaab ka tirsan ayaa Goordhaw Gacanta lagu dhigay Isagoo Maraayay Duleedka Magaalada….

no responses
Wednesday November 30, 2016 - 9:08 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Sida ay sheegayan Wararka aynu Iminka ka heleyno Dagmada Buula-burde Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Sargaal sare oo la sheegay in uu ka tirsnaay Alshabaab.

Sargaalkaan ayaa lagu qabtay Xili uu ku sugnaay qeybo kamid ah Dagmada Buula-burde waxaana Howlgalkaan iska kaashanayay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Amisom.

Ninkaan la qabtay ayaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Muuse waxaana Saraakiisha Ciidamada Dowlada ee Gobolka Hiiraan ay sheegen in Ninkaan uu xubin muhiim u ahaa Alshabaabka Gobolka Hiiraan.

Howlgalka sargaalkaan lagu qabtay waxa uu ka dhacay Duleedka Dagmada Buula-burde Waxaana Ninkaan la qabtay uu saarnaay gaari Waxaana sidoo kale goobta lagu qabtay Askar la socotay Sargaalkaan 4 askari ayaa la sheegay in ay la socotay waxaana Ciidanka ay toogasho ku dileen laba askari halka Labada kale iyo Sargaalka gacanta lagu dhigay.

Saraakiisha Ciidamada Dowlada waxa ay sheegeen in Baaritaano lagu Sameyn doono Xubnahaan ka tirsan Alshabaab ee lagu qabtay Duleedka Dagmada Buula-burde.