Animation

DEG DEG: Saraakiil sar sare oo ka tirsan dowalda ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxa dhulka loogu aasay+Magacyadooda

no responses
Sunday February 12, 2017 - 7:51 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayan qarax xoogan oo ka dhacay deegaano hoostaga dagmada Wanla-weyn ee gobolka shabeelada hoose.

Qaraxaas ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Abaandulahii guutada 6-aad e qeybta 12-ka Abriil Korneel Xeyle iyo Taliyihi Ururka 1-aad ee Guutada 6-aad Maxamed Xasan baakaati.

Saraakiishan ka tirsan Ciidamada Xooga Dalka ayaa dhintay kadib qaraxa ka dhacay deegaan 20km u jira degmada Walan weyne ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Kolonyada ay la socdeen Saraakiishan ayaa kusoo jeeday deegaanada Tixsiile, Warmaxan, iyo Garas Wandiile oo ka Tirsan Gobolka Shabellaha hoose oo saakay weerar ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-shaabab.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka xooga dalka ayaana xaqiijiyay geerida saraakiishan lagu dilay qaraxan ka dhacay deegaan 20-km u jira dagmada wanla weyn ee gobolka shabeelada hoose.