Animation

DEG DEG: Saadaq C/kariin Xaaji oo ku Guuleeystay Kursiga Beesha Waceysle Cali Gaaf ee Doorashada Aqalka Hoose Galmudug

no responses
Wednesday November 16, 2016 - 2:43 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Magaalada Cadaado waxaa weli ka socda Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Maamulka Galmudug uga mid Noqonaya Baarlamaanka Cusub.

Ergooyinka Dooranaya Xildhibaanada ayaa Goordhaw u Codeeyay Kursiga Beesha Waceysle, Cali Gaaf Waxaana Kursigaas ku Tartamayay Musharixiinta kala ah Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim iyo Eng. C/llaahi Cali Xasan.

Doorashada Kursigaan oo aha Mid Xasaasi ah ayaa waxa Ugu Dambeyn ku guuleystay Saadaq C/Kariim Xaaji Ibraahim Kadib Markii uu Helay Codad gaaraya 29 Cod Halka Musharaxa la tartamayay uu helay 22 Cod sidaasna Waxaa Kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Waceysle Cali Gaaf kusoo baxay Saadaq C/Kariim Xaaji Ibraahim.

Musharax Saadaq C/Kariim ee Kursiga Beeshaan ku guuleystay Waxaa watay Madaxtooyada Soomaliya waana Kursiga Beesha Waceysle Cali Gaaf oo Madaxweyne Xasan Shiikh uu ka soo Jeedo.

saadaq-iyo-cali-xasan-768x576

Saadaq C/Kariim Xaaji Ibraahim wuxuu Horay u ahaa Agaasime ku Xigeenkii Madaxtooyada Soomaaliya.

Doorashada Weli wey socotaa Waxaana Ergada ay u Codeynaya Kursiga Beesha Waceysle Marooyin oo ay ku Tartamayan Musharixiin Culus.