Animation

Deg-deg: RW Sharmaake oo xilkaqaadis ku sameeyey labo kamid ah Golihiisa Wasiirada. ” akhriso”

no responses
Monday November 23, 2015 - 9:51 under Somali News by admin
mqdefault

K24— War goor dhow naga soo gaaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu xilalka ka qaaday labo wasiir, iyadoo xilalkooda ku bedelay labo kale.

Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu u magacaabay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha C/llaahi Maxamed Axmed, halka Wasiirkii xilkaas hayay C/raxmaan Cabdi Cusmaan xilka laga qaaday.

Sidoo kale waxaa Wasiirka Korontada iyo Biyaha loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horay u ahaa Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay dalka Turkiga.

Waxaa xilka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha laga qaaday Maxamed Xasan Aadan Shaahiyow.

Isku shaandheynta Golaha Wasiirada ayaa wali socota, iyadoo saacadaha soo socda laga yaabo in wasiiro dhowr ah ay saameyso isku shaandheynta bilowga ah ee hada socota.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe