Animation

DEG DEG: Rasaas laga Maqlaayo qeybo ka mid ah Magaalada Galkacyo iyo Barakac ka Bilowday Magaalada

no responses
Saturday October 8, 2016 - 12:00 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Wararka aynu hada ka heleyno Magaalada Galkacyo ayaa waxa ay sheegayan in Rasaas xoogan Hada laga Maqlaayo qeybo ka mid ah Magaalada Galkacyo.

Abaaro 11:30 am ayuu dagaal Goos goos ah Ka bilowday qeybo ka mid ah Magaalada Galkacyo oo labada Ciidan ay isku hor fadhiyaan.

Ciidanka Labada Maamul ee Galmudug iyo Puntland ayaa waxa ay Hada isku horfahdiyaan Goobtii Shalay dagaalka uu ka dhacay mana jirto Cid ila aiyo Hada isku howshay in Labada Ciidan ay kala qaadaan.

Rasaas xoogan oo saakay la maqlay ayaa Inta badan dadkii ku Noolaa Magaalda Galkacyo waxa ay ku qasabtay in Guryahooda ay ka qaxeen cabsi ay ka qabaan in Markale dushooda lagu dagaalamo.

Dagaalkaan ayaa Asalkiisa la sheegay in uu salka ku haayo in Dhul ay Puntland Majar ka dhisi rabto la isku heysto Dagaalkana uu sidaasi ku dhashay.

Labada Maamul ayaa Hawada waxa ay isku Mariyeen Eedeyn Kulul taasi oo sii Cakirisay Dagaalka iyo Xiisada Labada Maleeshiyo u dhaxeysa.