Animation

DEG DEG: Rasaas Culus iyo Hubka Noocaydiisa Kala duwan oo La isku Adeegsanaayo dagaal Hada ka socda Deegaanka……

no responses
Wednesday November 23, 2016 - 11:33 under Somali News by Tifaftiraha K24
mqdefault

Warar dheeraad ah ayaa Waxa ay ka soo Baxayan Dagaal Xalay Bilowday oo ilaa iyo Hada ka socda Deegaanka Goof-gaduud Ee Gobolka Baay.

Dagaalka waxa uu u dhaxeya Alshabaab oo Weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Dowlada oo Difaac ku jira waxaana Wararkii ugu dambeeyay oo aan ka heleyno Deegaanka ay sheegayan in Weli Dagaalamayaasha Alshabaab ay ka Dagaalamayan Magaalada.

Lama Xaqiijin Qasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka balse wararka soo baxaya waxa ay sheegayan in qasaaro dhimasho iyo Dhaawac uu jiro.

Dadka dhawacmayo qaarkood ayaa waxaa la geeyay Cisbitaalka Magaalada Baydhabo Halkaasi oo Xaaladooda Caafimaad lagu dabiibaayo.

Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed weli kama aysan hadlin Dagaalka ka socda Goof-gaduud waxaana Xusid mudan in Alshabaab deegaanka ay Kolhore isaga baxday Markii Ciidanka Dowlada y usoo jaheysteen in Magaalada ay la wareegaan.