Breaking News Somali News Top News

DEG DEG: Ra’isul wasaare kheyre oo saacadaha soo socda ku dhawaaqi doona golahiisa wasiirada xili ay…

Warar hoose oo aan heleyno ayaa waxa ay sheegayan in ra’isul wasaaraha soomaliya mudane xasan cali kheyre uusoo gaba gabeeyay la tashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan soo magacaabida gollahiisa wasiirada iyadoona la filaayo in kheyre uu saacadaha soo socda uu ku dhawaaqo golahiisa wasiirada.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyadii uu la sameynaayay qeybaha bulshada culimada iyo siyaasiyiinta iyadoona wararka soo baxaya ay sheegayan in kheyre uu maanta galinka dambe uu ku dhawaaqi doono golahiisa wasiirada.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn tirada wasiirada iyo xubnaha kasoo muuqan doono xukuumadda soomaliya ayaa hadana wararka waxa ay sheegayan in wasiirada ay kasoo muuqan doonan xubno horay xilal usoo qabtay iyo xildhibaano baarlamaanka ka tirsan.

Ra’isul wasaare kheyre ayaa waxaa ay baarlamaanka soomaliya ay ansaxiyeen arbacadii lasoo dhaafay ee taariikhda ay ku beegneyd March 1, 2017.

Related posts

Laba Milyan Oo Doollar Oo loo Diyaariyay Fulinta Qorshayaasha Ugu Horreeya Barnaamijka Is-xilqaan

admin

Oggoow Sababta Axmad madoobe oo Baajiyay Socdaal uu ku tagi lahaay Magaalada Dhuusamareeb oo Maanta lagu wado in….

admin

Xarun ay leedahaya Hey’adda Qaramada Midoobay ee Save The Children oo Weerar Culus lagu qaaday

admin